Rabshadihii looga soo horjeeday diidmada lacagaha oo sii xoogeystay, kuna sii fiday qeybo hor leh oo ka tirsan Muqdisho iyo Booliska DF oo digniin u jeediyey banaanbaxayaasha
(WARBIXIN IYO SAWIRO)


Waxaa sii xoogeystay banaanbaxyo rabshado wata oo saaka ka bilowday qeybka mid ah Suuqyada iyo wadooyinka magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay dhigayeen dadweyne careysan oo ka soo horjeeday diidmo nooc cusub oo ganacsatada ay ka bilaabeen lacagaha shilin Soomaaliga ah ee 1000-ka shilin ah oo guud ahaan la diiday marka laga reebo mida cusub ee dhowaan lagu soo daabacay deegaanada Puntland, iyadoo banaanbaxaayashaasi ay ku soo fideen goobo hor leh oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Dibed baxyada rabshadaha wata oo saaka xooggoodu ka bilowday Suuqa Bakaaraha iyo degmooyin ay ka mid yihiin Wadajir, Dayniile iyo Waaberi ayaa barqnimadii maanta ku fiiday meelo kale oo ay ka mid tahay agagaarka dekeda weyn ee magaalada Muqdisho oo ay soo hor dhoobteen dadweynbe aad u fara badan oo boqolaal gaaraya, kuwaasoo mar isku dayey iney gudaha u galaan dekeda, iyagoo careysan, hase ahaatee dadkaasi ayaa dib u soo laabtay, iyagoo mowjado ah ka dib markii ay dushooda rasaas mariyeen ciidanka ilaalada dekeda.


Sidoo kale, dad taayero aad u holcaya gubaya ayaa lagu arkay isgoyska Km-4 ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo iyana halkaasi ka dhigayuy banaanbaxyo, iyadoo sidoo kale maanta uusan jirin wax gaadiid ah oo ka shaqeynaya wadooyinka magaalada Muqdisho guud ahaan ka dib markii gaadiidka qaar ay muraayadaha ka jejebiyeen dad careysan oo dhagxaan tuurayey.

Suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho ayaa isna waxaa laga maqlayaa rasaas ay furayaan ciidamada Dowladda ku meel gaarka ah ka dib markii dad careysan ay sida daadkii ugu qulquleen Suuqaasi iyo wadooyinka hareer mara kuwaasoo tuuryeynayey goobaha ganaciga ee halkasi ku yaala oo xirnaa, waxaana sidoo kale banaanbaxyo kuwaasi la mid ah laga soo sheegayaa guud ahaan qeybaha kala duwan ee magaalada Muqdisho oo maanta xaaladeedu ka duwan tahay sidii hore, lagana dareemayo xaalado aad u kacsan oo aan mudooyinkan la arkin, iyado guud ahaan banaanbaxayadan la rumeysan yahay iney ka dhasheen qasaarooyin dhimasho iyo dhaawac leh oo ilaa hadda aan ogeyn tiradooda.


Suuqa Bakaraaha ayaa weli waxaa ka soconaya dibed-baxyo waaweyn iyadoo dadkuna ay marba marka ka dambeysa sii kordhayaan tiradooda, kuwaasoo si aad ah u tuuryeynaya goobaha ganacsiga iyago xitaa xiran, waxaana sidoo kale lagu soo waramayaa in deegaanka Ceelasha biyaha iyo qaar ka mid ah gobolada dalka ay ka dhacayaan banaanbaxyo la mid ah kuwa ka socda magaalada Muqdisho oo dadku ay kaga cabanayaan didmada lacagaha shilin soomaaaliga ah oo dad badan ay isweydiinayaan ganacsatada diidab halka ay ku og yihiin lacag kale oo wax looga iibsado.

Afhayeenka taliska ciidanka Booliska Soomaliyeed G/lle C/llaahi Cumar Ibraahim (Shaac-shaac) oo ka hadlayey dibexyada ka socda magaalada Muqdisho ayaa uga digay dibed baxayaasha iney ku soo dhowaadaan xeryaha ay degan yihiin ciidamada Dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwo uu ku sheagy iney saaxiibada yihiin ee Itoobiya iyo AMISOM, wuxuuna taasi sabab uga dhigay iney dhici karto iney ku soo dhex dhuuntaan kooxaha Dowladda ka soo horjeeda oo ciidamada la soo beegsan kara bambooyin iyo waxyaabo kale, taasoo keeni karta in ciidamadu ay jawaaab bixiyaan oo ka diban ay halkaasi ka dhici karto qasaare soo gaara dadka banaanbaxyada dhigaya wuxuuna sheegay in dadka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin iney ka banaanbaxaan si nabadgelyo ah, dareenkoodana ka muujiyaan dhibaatada heysata, isagoo ku eedeeyey diidmada lacagaha iney ka dambeeyaan ganacsatada Muqdisho.

Cabdishakuur Cilmi Xasan
cabdishakuur48@live.com

Xafiiska war qabadka Dayniile
Goternburg, Sweden
dayniilecom@hotmail.com
Google

News Update in English www.dayniileone.com

   Halkaan ka iibso waxii aad u bahan tahay oo raqiis ah

   Home of the Web's Best Freebies.

Copyright © 2007 Dayniile.com All Rights Reserved

Contact Us at: dayniilecom@hotmail.com