AHLU-SUNNA
IYO MUSTAQBALKA DHOW , ARAGTIDA DADWEYNAHA.
Markii aad eegtid qaabka ay wax umaamulayaan
culumada ahlusunna , habka ciidan oo muda gaaban ay
ku hanteen magaalooyin waaweyn oo gobolada dhexe ee
soomaaliya soo dhaweynta shacabka kaimanaysa iyo u riyaaqidda
hab dhaqanka ciidan ayaa waxa ay dadka arimaha soomaliya
aadka wax uga qora ay cabirayaan in ay soomaaliya markan
haysato fursadii ugu wanaagsaneed marka laga hadlayo
dabaylahan sida tartiib tartiibta ah miyi iyo magaalo
ka dilaacaya . a
Dad farabadan oo soomali iyo ajaanib
leh ayaa markaan waxa ay aad u danaynayaan in ay xog
dhab ah ka helaan ahlu-sunna wal-jamaacah iyo waxa ay
yihiinba madaama ay cudud milatari ay lasoobaxeen oo
shacabkuna garab socdo , ayagoo lagu timaamay ciidamada
kaliya ee jilibka ulaabay al-shabaab iyo xisbul islaam
.a
 |
Hadaba su'aalaha maskaxda dadka ka guuxaya
ayaan hor dhigay shiikh abuu yuusuf al-qaadi oo kamid
ah masuuliyiinta ahlu-sunna waxa uuna yiri " Ahlu-sunna
wal-jamaacah walaal waa dadka soomaaliya ka ilaalinjiray
hadana ka ilaaliya in diinta la waxyeeleeyo ayadoo magaca
diinta la adeegsanayo (HADMU DIIN BI'ISMU DIIN) waxayna
leeyihiin taariikh fog, kaalin buuxdana waxay kuleeyihiin
fidinta diinka islaamka min laas kambooni ilaa laas
caseer , iyo waliba caalamu islaami oo dhan , qorigoodana
waxa uu ku jeedaa isbahasiyadaasi sheydaanka ah , oo
Diin,dad iyo dalba rabin,mabda'yagu waa sidaas, insha
alahu mustaqbalka dhowna waan ka sifaynaynaa somaliya
anagoo kaashanayna Eebbe SWC iyo shacbka , anaguna qola
gaar ah manihin oo caqiidadeenna wanaagsan ayaan daafaceenna,waxa
culumada , macaliminta , ardayda ku qasabtay in ay qorigooda
qaataan waa markii ay u adkeysan waayeen sida diinka
looga beensheegayo oo dadkii waxgalka ahaa ee soomaaliya
loo ugaarsanayo ayadoo masaajidda lagu dilayo ayagoo
sujuudsan , cid walba oo isku daydana in ay wax yeeleyso
diinka waxaan siinaynaa cashar lama ilaawaan ah sida
haatanba aan u galnay qolyahaan magacyada badan ALXAMDULILAAH
".
Ugu danbayntii , Culumada ahlu-sunna wal-jamaacah oo
mowlacyo waaweyn ku leh guda dalka somaaliya kuwaas
oo abaabullo xoogan kujira waxaa suura gal u noqon karta
sida ay qabaan aqonyahanno badan in ay dagaalkooda ku
guuleysankaraan , oo sidaasi saaxada dalka looga saaro
al-shabaab , balse taasi waxaa hirgalinkara shacabka
soomalida ah oo hiil iyo hooba lagarab istaaga culumada
sida aan iminkaba ku soo arkay gobollada dhexe.
W/Q: Wariye Axmed
(khadar)
Email: axmedmbc@hotmail.com
ama axmedmbc@yahoo.com
--------------------------------------
Cabdiraxmaan Macalin Xuseen
Mamaan82@hotmail.com
Tafatiraha Wabka Dayniile.com
dayniilecom@hotmail.com
deyniilenews@yahoo.com