
Warbixin
dheer oo ku saabsan kulan yeesheen suxufiyiinta Soomaaliyeed
ee ku dhaqan wadanka Holland
(Sawirada kulanka)



Waxaa maanta kulan ballaaran isugu
yimid Xarunta Jaaliyadda Soomaalida ee magaalada Amesterdam
ee wadanka Holland weriyeyaal Soomaaliyeed oo intooda
badan soo gaaray Holland saddexdii sano ee ugu danbeeysay,
waxaana kulankani uu ahaa midkii ugu horreeyey ee ay
yeeshaan tiro intaa la'eg oo weriyeyaasha Soomaaliyeed
ee soo gaaray wadan ka tirsan Yurub, waxaana kulankan
soo abaabulay Weriye C/raxmaan Guurre Maxéd (Gentelman).
Suxufiyiinta kulanka ka soo qeybgashay
oo ka socotay qeybaha warbaahinta Soomaalida ayaa ujeedada
loo abaabulay ay aheyd sidii ay weriyeyaashu u kala
war-qaadan lahaayeen, ayna xiriir joogta ah u yeelan
lahaayeen, waxaana weriyeyaashii kulanka soo xaadiray
ay si niyad-sami ah u muujiyeen walaaca ay ka qabaan
xaaladda uu wadanku ku sugan yahay iyo tacadiyadda ka
dhanka ah suxufiyiinta ay isku mihnada yihiin, iyo wax
sidii ay saxaafaddu uga qeybqaadan laheyd badbaadinta
dalka, dadka iyo Qaranimada, waxaana weriyeyaashu ay
si taxadar leh u muujiyeen in saxaafadu qeyb ka tahay
bulshada uu saaran yahay xilka badbaadinta wadanka,
loogana baahan yahay suxufiyiinta in ay dhabaha u xaaraan
sidii iyaga oo mideysan ay wax uun u qaban lahaayeen,
iyadoo dhabaha waxqabadkaasi loo marayana uu noqoto
wacyigelinta bulshada.
Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyey
ee ay isugu yimaadaan weriyeyaasha ayeey ugu horreyn
ugu duceeyeen ummadda Soomaaliyeed inuu ILLAAHEY ka
saaro dhibaatada joogtada ah, quluubtoodana burcad isu
mariyo, iyadoo ay jireen weriyeyaal kulanka kaga qeybgalay
qadka taleefanka oo aaney u suurtagelin in ay madasha
shirka soo gaaray, waxaana weriyeyaasha qadka taleefanka
uga qeybgalay ay kala ahaayeen Fardowsa Maxéd C/lla
(Fardowsa Tina) oo ka mid aheyd weriyayaashii ka soo
shaqeeyey Idaacadda iyo TV-ga Horn Afrik, Maxed Cusmaan
(Ghadafi) oo ka soo shaqeeyey Idaacadda Radio Muqdisho,
Agaasime-na ka soo noqday Frontie FM, haatanna ka mid
ah howl-wadeenada Radio Dalmar iyo Cabdiraxmaan Suubiye
oo ka soo shaqeeyey Idaacado ay ka mid yihiin Frontie
FM Nairobi iyo Radio Banaadir iyo Maxéd Axmed Sandiir
oo ahaa (Freelencer journalist) iyo milkiile website,
waxaana suxufi kasta uu fursad u helay inuu soo jeediyo
fikiriisa ku aadan sida ugu fudud ee saxafiyiinta Soomaalidaa
ee ku wada sugan Holland isugu xirmi lahaayeen, iyaga
oo wada ilaashanaya mihnadooda saxaafaddana ay wax u
wada qabsan karaan.
Weriyeyaasha kulanka ka qeybgalay ayaa
mid kastaba waxa uu cabiryey aragtidiisa, waxaana ku
soo uruurinay khudbadahooda sidatan.
Cabdishakuur Cilmi Xasssan
In suxufiyiintu meel kasta oo ay joogaan
ay ka gudbaan khilaafaadka dhexdooda ah, oo ay meel
iska dhigaan kala qoqobnaanta, una soo jeestaan sidii
ay uga qeybqaadan lahayeen nabadeynta wadanka iyo wacyigelinta
bulshada.
In kulankan iyo kulamada kale ee xiga
ay ka soo baxaan (team) weriyeyaal ah oo mideysan, isku
aragtina ah, kana wada shaqeeya danta iyo maslaxada
suxufiiyiinta Soomaalida meel kasta oo ay joogaan.
In weriyeyaasha kuwooda wax bartay
ee ama heer dugsi hoose/dhexe/ama sare soo dhammeeyey
ay heli karaan (waa haddii weriyeyaashu isku xirnaan
muujiyaan) fursad waxbarasho oo heer jaamaceed ah haddii
ay ka soo baxaan shuruudaha looga baahan yahay, si ay
u soo baxaan jiil cusub oo la jaan-qaada horumarka casriga
ah ee saxaafadda adduunka.
In aan mar walba iyo meel walba u istaagno
u doodida xuquuqda saaxiibadeena suxufiyiinta ah ee
ku dhibaateysan dalka iyo dibedda.
In aan lagu degdegin ku dhawaaqis urur,
balse la magacaabo guddi isku soo uruuriya dhammaan
weriyeyaasha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Nederland, markaa
kadibna ay weriyeyaashu ka shirayaan sida ay mihnadooda
saxaafadeed uga sii wadan karaan halkan.
Daahir Cabdulle Calasow.
“Kulanka maanta wuxuu kalsooni gelinayaa
weriye kasta oo ku sugan Nederland, oo garowsan in weriyeyaal
Soomaaliyeed oo is kaashaday, isku dan ah, isku mihnad
ah, ay aayahooda ka tashan karaan oo ay wax dhisan karaan,
ilaa heerka ugu sareeya, maadaama ay wadan horumarsan
joogaan ayna la jaanqaadi karaan saxaafada caalamiga
ah, waxaana u soo jeedinayaa xubnaha kulanka maanta
jooga in ay qorshaha ku darsadaan sidii gurmad biniáadanimo
loo gaarsiin lahaa weriyeyaasha dhibaateysan ee ku sugan
wadanka”
Fardowsa Maxéd Cabdulle (Qadka
taleefanka)
Waan soo dhoweyneyso kulamada ay yeelanayaan
weriyeyaasha, waana tallaabo wanaagsan oo yididiilo
iyo farxad u horseedi karta weriyeyaasha ku sugan Holland,
waxaan soo jeedinayaa in kulanka midka xiga aan goob
joog ka noqon doono hadduu ALLE idmo, oo aan rajeynayo
in kulankaasina ay soo xaadiraan saaxibada kale ee aaney
u suurtagelin in ay madasha maanta soo gaaraan.
Saalax dheere.
Waa bilow fiican in maanta ay is arkaan
wejiyo ay mar hore isugu danbeysay, waxaana ujeedada
aan kulankan u qaban-qaabinay ay tahay in ay jiraan
fursado badan oo aan heli karno haddii aan nahay dad
fursadahaasi tabaya oo ay ka maqan yihiin, waxaana soo
jeedinayaa in midnimadeena ay wadajirkeena ay wax waliba
aasaas u yihiin.
Nuur Axmed Maxéd Bicir
Waxaan rajeynayaa in kulankeenu uusan
noqon oo keliya dhoolatus ee uu noqdo, mid aan ku kala
faaídeysaneyno. Haddii maanta ay fursadu inoo saamaxday
in aan joogno wadan nabad ah oo aanu heli karno fursado
badan ma ahan in aan is dhigano, ee waa in aan isu dhiiragelinaa
wanaaga iyo fursadaha waxbarashada ee wadankan yaalaa.
Qof kasta ee u baahan inuu mihnadiisa saxaafadda halkan
ka sii wato wuxuu heli karaa fursado waxbarasho waana
marka aan annagu isku xirnaano, oo aan wax sameysano,
waxa aan sameysaneynana ay noqdaan wax aan sharci u
marno``
Cabdiraxmaan Gentelman. (Qaban-qaabiyaha
kulanka)
``Isu imaatinkeenan waa bilow fiican,
waana in aan maskaxda gelinaa in aan wax badan qaban
karno haddii aan nahay dad wada socdo, oo hadafkooda
mid yahay. Waxaa wadanka ku sugan asxaab badan oo weriyeyaal
ah oo aanan weli sharci helin, ama si uun u dhibaateysan,
waxaana soo jeedinayaa in qodobada aan soo saareyno
aan ku darno guddi soo uruuriyo weriyeyaasha aan halkan
ku joogno, si kulanka midka xiga uu u noqdo mid intaa
ka ballaaran, waxaana
Maxed Cabdi Abunaa
Niyada wanaaga naga muuqda waxaan rajeynayaa
inuu noqdo mid lagu gaari karo qodobada aan isla soo
qaadnay, wax kastaba maalin bey bilowdaan waxaa suurtagal
ah haddii wax wanaagsan aanu qabano inteenan, in wanaagaasi
ay waxtarka u yeeshaan weriyayaal Soomaaliyeed oo maanta
aan madasha joogin. Wadankan waxaan joogay muddo ka
badan 10 sano waxaana la soo shaqeeyey ilaa haddana
aan la shaqeeyaa hayádo badan oo saxaafadeed wax kasta
oo aad sameyneyso marka aad sharci u martid, saxaafaduna
ay isku xiran tahay waxaa hubaal ah in annagu aan wax
qabsano iska daaye xittaa u qaban karno suxifiyiinta
wadanka ku sugan, waxaana rajeynayaa in waxqabadkeenu
noqdo mid (Practically) ah Insha ALLAAH``


Maxed Axmed Sandiir (Qadka
taleefanka)
Kulan kasta ee dhaca waxaa lagu qiimeeyaa
wax-qabad, iyo muxuu kulankaasi soo kordhiyey.? Waxa
ugu weyn ee maanta halkan laga kororsaday waxey tahay
shaqsiyaad badan oo ay waqti hore isugu danbeysay balse
fursadu u saamixi weysay in ay kulmaan oo is arkay,
tan labaad ee rajeynayo in laga faaíiday waxey tahay
in aan horay u socono oo saxaafadduna ay isla xiriirto,
oo qof kasta oo halkan joogo aan la socono xaaladiisa
iyo halka ay wax u marayaan.
Farxiyo Sabaax
``Waxey ii tahay farxad in aan arko
wejiyo ay mar hore iigu danbeysay, iyo kuwa aan magacooda
un dhegaha ka maqlay, waxaan filayaa in ay baahi weyn
inoo hayso haddii aan nahay weriyeyaasha ku sugan Nederland
in aan qabsano kulan weyne midkan ka ballaaran oo ay
ka soo qeybgalaan dhammaan walaalaha innaga maqan oo
markaa innaga oo gacmaha is haysana aan isweydiino horta
innagu maxaan maanta kororsan karnaa maadaama aan halkan
fursado badan ka heli karno.? waxaa wanaagsan in qof
kastaba uu qofka kale xiriiriyo, wanaagana dad un baa
bilaaba waxaan rajeynayaa wiilasha iyo gabdhaha kulankan
maanta isugu yimid in ay aasaas u noqdaan geed weyn
oo ay harsan doonaan suxufiyiintii horay u joogtay Nederland,
kuwa dhowaan soo gaaray iyo kuwa ay dhici karto in ay
mustaqbalka soo gaaraan Insha ALLAAH.
Shukri Shuuto
"Ma jirto qof keligii wax noqon
kara, ama koox keligeed wax qaban karta, wadajirku waa
lagama maarmaan, waxaana rajeynayaa in haddii maanta
aynu Yurub nimid in wax badan ay inoo kordheen, qofku
meesha ay wax ugu kordhi karaan ma ahan iskuul oo keliya,
ee marka aan nimid Yurub waxaan aragnay wax ka badalan
wixii aan wadankeenii hooyo ku soo aragnay waxaasina
wax wanaagsan iyo wax xun intaba waa isugu jiraan, waxyaabaha
aan fahanay waxaa ka mid ah in maanta annaga oo halkan
joogna haddii aan nahay dad isku xiran in aan wax badan
qabsan karno, oo qof kasta oo innaga mid ah ee ku haminaya
inuu ku sii shaqeysto saxaafadda inuu heli karo waxbarasho
dhammeystiran, waana tan ugu muhiimsan ee haddii kulamadani
sii socdaan aan kaga faaídeysan karno, haddiise aan
ka dhammaan weyno dhaqamadii looga bartay hogaamiye
koooxeedyada oo muddooyinkan danbe saxaafadda lagu arkay,
ee wax kala jiidashada aheyd, haddii-ba aan nimid waa
in aan wax qabanaa, waxqabashadeenuna ay noqotaa innaga
wax kororsana iyo innaga oo gacan biniáadanimo u fidina
walaalaheena kale ee ku dhibaateysan wadanka.
Raage Cali dheere
Waa bilow fiican in aan isu imaano,
haddana waxaan rajeynayaa in aan horay u sii socono,
oo haddii aan maanta halkan joogno aynaan seexan oo
aan gadaal fiirino, oo aan niraa, war raggeenii aan
isku mihnada aheyn ee weli ku sii shaqeynaya duruufihii
adkaa maxaan ku kordhin karnaa.? waana lagama maarmaan
ah in kulamada ay wax soo kordhiyaan, waxaana soo jeedinayaa
guddiga la magacaabay inuu dhabaha u sii xaaro kulank
midkan ka sii weyn oo wejiyada halkan ka maqan aan isu
aragno Insha ALLAAH.
Maxéd Cusmaan (Ghadafi) (Qadka
taleefanka)
Waxaan ka cudurdaaranayaa in aan idin
soo gaari waayey, haddana waxaan 100% taageersanahay
isu imaatinkan, waxaana muhiim ah in aan ku dedaalno
sidii aan u sii wadan laheyn mihnadeena, innaga oo faaidooyin
badan oo dhinaca aqoonta saxaafadda ahna halkan ka heli
doona Insha ALLAAH.
Geba-gebadii kulanka waxaa la isku
raacay in la magacaabo Guddi soo iclaamiya qabsoomida
kulankan midka xiga, isuguna yeera dhammaan weriyeyaasha,
waxaana guddigaasi magacyadooda ay yihiin sidatan:-
Daahir Cabdulle Calasow
Saalax Xassan Cumar (Saalax dheere)
Maxéd Cusmaan Sheekh (Ghadafi)
Fardowsa Maxed Cabdulle (Fardowsa Tina)
Shukri Macalin Cabdiraxmaan (Shuuto)
Farxiyo Maxed Maxúud Sabaax
W/Q.
Cabdishakuur Cilmi Xassan
E-mail. cabdishakuur48@live.com