Kooxda
Vlaardingen oo ku guulaysatey koobka Amsterdam Futzal
Tournament 2008
Amsterdam 05.01.2009. Waxaa magaalada
Amsterdam lagu qabtey sidii cadaadu ahayd markii 4aad
Amsterdam Futzal Tournament 2008 27 iyo 28 december,
sannadkan koobka waxaa lagu magacaabay Farah Weheliya
Cadoow Sendiko Cup oo allaha u naxariistee
ahaa Nin sport Soomaaliyeed qeyb ka soo qaatay, dhawaana
ku geeriyooday dalka Masar.
Sannadkan tartanka oo aad u balaarnaa
oo ay waxaa ka soo qayb galey 12 kooxood oo kala ahaa:
Hirda Amsterdam, Somvoa Amsterdam, Vlaardingen, Rotterdam,
Alphen a/d rijn, Nedsom Denhaag, Amersfoort , Nijmegen,
Tilburg, Maastricht , Zaandam iyo Sobsi Belguim
Tartanka inta uusan bilaaban dhalinyarada
waxay ka qayb qaateen barnaamij dood ah (Debate) oo
ay soo diyaariyeen ururka Hirda, barnaamijkaas oo looga
hadlayay waxyaabo badan oo ku saabsan waxbarashada iyo
Horumarinta Somaliya oo ay soo diyaariyeen Faduma Farah
iyo Suaad Abdi
Tartanka oo aad u xiisa badnaa ayaa kooxahii ka qaybgalay
waxaa loo qaybiyay labo qaybood oo is wada arkay.
Qaybta kowaad A:
Hirda, Alphen a/d rijn, Sobsi, Nedsom, Somvao, Tilburg
Qaybta labaad B:
Rotterdam, Maastricht, Zaandam, Amersfoort, Nijmegen,
Vlaardingen
Wareegii labaad (Semi-final) ee tartanka waxaa iskugu
soo haray kooxaha kala ah
Vlaardingen 1 V Tilburg 1
Sobsi Belgie 2 V Maastricht 2
Kooxaha isugu soo baxay semi finalka waxay soo badhigeen
ciyaaro aad u qurxoon isla markaana farsamadoodu sareyso.
4 kooxood ee iskugu soo harey Semifinalka ,waxayna isla
dhaafi waayeen dhamaantood barbar dhac ugu dambayntiina
waxay ku kala hareen rigoorayaal , halkaas waxaa Finalkii
iskugu soo baxay kooxaha kala ah
 |
Vlaardingen V Sobsi Belguim waxay guushii
ku raacday kooxda Vlaardingen oo dhalisay 3 Goal halka
kooxda Sobsi ay dhaliyeen 1 goal oo qura.
Tartanka waxaa kasoo qayb galay dadwayne aad u badan
oo ka kala yimid dalka Holland gobaladiisa iyo wadamada
dariska la ah. Dadwaynaha waxay u badnaayeen dhalinyaro
iyo dadka ciuyaaraha xiiseeya.
Gabagabadii tartanka waxaa ka hadashay Fadumo Farah
oo ka warbixisay ujeedada loo qabto tartankaan isla
markaana cadaysay inay qaban doonaan sanad walbo Amsterdam
Futzal Tournament ayna u furan tahay cid kasta oo danaynaysa
inay ka soo qayb gasho, kadibna waxaa halkaasi ka hadlay
ciyaartooydii ka soo qayb gashay tartanka qaar ka mid
ah oo ka mahadceliyay qabashada koobkan sanad walbo
iyo sida ay ugu faraxsan yihiin , iyagoo amaan gaar
ah u soo jeediyay ururka Hirda.
 |
Koobabka tartanka waxaa gudoonsiiyay dhalinyarada
dadka martida sharafka u ahaa HIRDA iyo masuuliyiin
ka socotay urrurada HIRDA iyo SOMVAO. Koobabka waxaa
loo kala helay sidatan:
Mudane Cigaal oo ah gudoomiyaha ururka Hirda ayaa gudoonsiiyay
abaalmarin Garsoorihii ugu wanaagsanaa, mudane C/rashiid
oo ah garsoore Somali ah isla markaana noqday garsoorihii
ugu horeeyay oo Soomaali ah oo qabta ciyaaraha Amsterdam
Futzalka, isagoo haysta shahaado garsoorenimo dalka
Biljamka.
 |
Magan Dahir Yusuf oo ah xidiga kubada
miiska dalka Holand ayaa isna gudoonsiiyay Ciise laacibka
sanadka Amsterdam Futzal tournament 2008
Mudane Kalkaal oo booqasho ku joogaydalka Holland isla
markaana ah macalin koox ka dhisan dalka Norway ayaa
kaalinta 3aad gudoonsiyay kooxda Maastricht.
Mudane Ali Ware gudoomiyaha SOMVAO ayaa kaalinta 2aad
gudoonsiiyay kooxda Sobsi Biljamka
Mudane Mohamed Deeqow Jekson oo ka mid ahaa ciyaartooydii
kooxda Horseed isla markaana ka tirsan bahda Sports
Sweden ayaa koobkii kaalinta kowaad Amsterdam Futzal
Tournement 2008 gudoonsiiyay kooxda Vlaardingen. Kooxda
Vlaardingen waxay muujiyeen ciyaar wanaag iyo team spirit
taas oo keentay inay noqdaan horyaalka Adam tournament
2008.
Kooxda Tilburg oo dhawaan koobka futzalka ee Sweden
soo qaaday ahaydna kooxda haysatey koobka adam
tournament 2007 aad bay u ciyaar wanaagsanayeen balse
regoore ayaa looga badiyay. Kooxaha Maastricht, SOBSI
iyo kooxda HIRDA ayagana wqaxay muujiyeen ciyaar wanaag
iyo edaab. Guud ahaan kooxihii ka soo qaybgalay tartanka
waxay ahayeen kooxo aad iyo aad u ciyaar wanaagsan oo
qanciyay dhamaan dadwaynihii daawashada u yimid.
Tartankii sanadkaan Amsterdam futzal tournament 2008
waxaa loogu duceeyay looguna tacsiyeey dhamaan eheladii
asxaabtii iyo qoyskii uu ka tagay allaha u naxariistee
Macalin Omar Maxamed Ayeelo oo ka tirsanaa
jaaliyada Soomaalida Holland isla markaana ahaa saaxiib
urrurka HIRDA. Waxaa kaloo isna loo duceeyay Farah Weheliye
Cadoow Sendiko allaha u naxariistee
Maamulka Hirda ayaa si gaar ah uga mahadcelinaayo dhamaan
dhalinyaradii ka soo qayb gashay tartanka iyo dadkii
gacanta ka gaystey inuu si wanaagsan ugu qabsoomo tartanka
Amsterdam Futzal tournament 2008.
Tartanka Amsterdam Zaalvoetbal Tournament waxaa lagu
qabtaa sanad walbo aaqirkiisa bisha December magaalada
Amsterdam, waxaana tartanka martigaliya isla markaana
dhalinyarada u sameeyo barnaamijyo aqoon is waydaarsi
ah ururka Himilo Development Organisation
Hirda.
W/D: Yusuf Yusuf
Sports Editor sspamedia
mrsomalia@hotmail.com
dayniilecom@hotmail.com
deyniilenews@yahoo.com